Home Wararka Maanta Mahdi Guuleed oo loo Magacaabay Ra’isulwasaare KMG ah
Wararka Maanta - July 25, 2020

Mahdi Guuleed oo loo Magacaabay Ra’isulwasaare KMG ah

July 25, 2020 Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ra’isulwasaare si kumeel gaar ah ugu magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), una xilsaaray inuu sii wado howlaha xukuumadda.

Mahdi Guuleed ayaa bedelay Xoghayaha joogtada ahaa ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo magacaabay Xoghaye cudub.

Wareegto ka soo baxday xaafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdirasaaq Xuseen Aadan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xoghayaha cusub ee xaafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta ku simaha Ra’iisul wasaaraha loogu magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed oo horay u ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu madaxweynuhu tallaabadan qaaday si aysan “hakad u gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta ee dalka,” inta laga soo magacaabayo ra’iisulwasaare cusub.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ahaa Ku-xigeenka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkii 2017-kii.

Ra’iisulwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maanta waayay kalsoonidii baarlamaanka ka dib markii cod loo qaaday ayna 170 xildhibaan codkooda kala laabteen sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay kalsooni kala noqoshada xukuumaddii uu hogaaminayay Xassan Cali Kheyre.

Dhanka kale, qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in doorasho ay waqtigeeda ku dhacdo ayna noqoto mid ay dhinacyadu heshiis ku wada yihiin.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu danbeyn, qoraalka ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay meel marinta qodobadii ka soo baxay shirkii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada dhowaan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *