Home Wararka Maanta Magacyada Maxabiisti ka Fakaday Xabsiga Gaalkacyo oo la Shaaciyay lacagana La Dul dhigay
Wararka Maanta - July 14, 2022

Magacyada Maxabiisti ka Fakaday Xabsiga Gaalkacyo oo la Shaaciyay lacagana La Dul dhigay

July 14, 2022  Booliska Dawlada Puntland ee Gaalkacyo ayaa shaaciyey in mid ka mid ahaa raggaasi ay toogasho ku dileen, saddex ka mid ahna ay gacanta ku dhigeen, halka saddex kalena ay baxsadeen.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday magacyada maxaabiista u xirnaa Al-Shabaabnimada ee fakaday, kuwaas oo kala ah:-

1-Xasan Isaaq Maxamed2-Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo 3-Liban Ciise Cali (Madax-kariye), kuwaas oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen kooxihii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo.

Raggaan saddexda ah oo ay horey dil ugu xukuntay maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale midkiiba la dul-dhigay lacag dhan $2,000 oo la siinayo ciddii soo sheegta, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxay taliska booliska.dawlada punrland Ee Magaalada GaALKACYO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *