Home Wararka Maanta Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Geeryooday
Wararka Maanta - July 12, 2020

Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Geeryooday

July 12, 2020 Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa madaxweynihii hore ee Puntland ayaa xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xaashi waxaa uu sidoo kale ahaa madaxweyne ku-xigeenkii dawlada puntland 1998-2004-tii, waxaana uu wax ka aasaasay dowlada ugu horeeyey ee dowlad goboleedyada.laga dhiso somaliya

Qoraal ka soo baxay Dawlada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay geerida Maxamed Cabdi Xaashi,waxaana ka tacsiyeeyay geeridiisa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

“Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxweyne Deni.

Maxamed Cabdi Xaashi waxaa uu inta aan qeyb ka noqon Puntland ahaa madaxa jabhadda United Somali Party (USP) .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *