Home Wararka Maanta Madaxweyne culusaw oo si rasmi ah xilka ula wareegay
Wararka Maanta - May 23, 2022

Madaxweyne culusaw oo si rasmi ah xilka ula wareegay

May 23, 2022 Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud culasaw ayaa si rasmi ah xilka uga wareejiyay kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub wuxuu madaxweynihii hore uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyay.

Madaxweynaha xafiiska baneeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynaha cusub uga warbixiyay howlihii uu gacanta ku hayay ee u baahan in la dhameystiro kuwaas oo ay kamid yihiin deynta cafinta iyo dib u dhiska ciidanka.

Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay ku guuleysatay dacwadda badda ee kala dhexeysay Kenya.

Wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub isla markaana uu garab taagan yahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *