Home Wararka Maanta Madaxweyne culusaw oo Dalka Dib ugusoo laabtay una Mahadceliyay dowladda Jabuuti
Wararka Maanta - July 18, 2022

Madaxweyne culusaw oo Dalka Dib ugusoo laabtay una Mahadceliyay dowladda Jabuuti

July 18, 2022  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ku joogay dalkaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo sagootiyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay sagootinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan miro-dhalka ah ee uu ku tagay dalkaas iyo wadahadalladii ay wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka markhaati kacday walaalnimada iyo wada jirka ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *