Home Wararka Maanta Madaxweynaha Ruushka Oo UKrain kala Jaray Amar Deg Deg ahna Ku Bixiyay in Ciidamao la Geeyo
Wararka Maanta - February 22, 2022

Madaxweynaha Ruushka Oo UKrain kala Jaray Amar Deg Deg ahna Ku Bixiyay in Ciidamao la Geeyo

February 22, 2022  Ruushka caawa waxaa uu aqoonsaday Lohaniski iyo Donetski, Saacad uun kadib Aqoonsiga waxaa uu Madaxweyne Putin amray in lageeyo ciidamo suga amniga labadaas Jamhuuriyadood oo isla caawa Aqoonsaday.

Talaabadan ayaa ah mid sharciyan uu qiil ugu haysto, kadib codsi uga yimid labada Madaxweyne ee 2-da Jamhuuriyadod, aqoonsiga waxaa ku lamaanaa inuu helo sharciyad uu kugalo gudaha dalkii la oran jiray Ukraine, oo uu kal hore ka jaray Crimea.

Putin, caawa waxa uu sheegay inay khalad-ba ahayd in midowgii Suufiyeet la burburiyo, sida muuqatana waxa uu dedaal ku bixinayaa inuu markale soo ceshado haybadiisii awoodeed ee la luntay kalatagii Midowgii Soofiyeetka 30 sano kahor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *