Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Baydhabo
Wararka Maanta - September 23, 2020

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Baydhabo

September 23, 2020 12:09 pm Madaxweynaha Dowlad Puntland Saciid Cabdullaahi Deni yo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo siwyen loogu soo dhaweeyay.Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaas.Warar kala duwan ayaa waxaa uu kasoo baxayaa safarka Madaxweynaha Puntland uu ku tegay Magaalada Baydhabo, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta Maamulkaas.Deni ayaa bilaabay in uu xariiro la sameeyo dawlad gobaleedyada oo ay ka imaanayaan Xildhibaanada ugu badan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Xarumaha Dawladd goboleedyada kale uu tegi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *