Home Wararka Maanta Madaxweynaha Kenya Oo Xil Muhiim ah U Magacaabay Amiin Maxamed
Wararka Maanta - October 15, 2022

Madaxweynaha Kenya Oo Xil Muhiim ah U Magacaabay Amiin Maxamed

October 15, 2022  uu soo saaray madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayuu ugu magacaabay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Amiin Maxamed Ibraahim, in uu noqdo agaasimaha waaxda dambi-baariska ee Kenya.

Ninkan Soomaaliga ah ee loo magacaabay agaasimaha waaxda dambi baraista Kenya ee loo soo gaabiyo magaceeda DCI, ayaa horey usoo noqday madaxa boolika ee wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Kenya.

Waaxdan agaasimaha looga dhigay ninka Soomaaliga ah ayaa dowladda Kenya u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, oo taageero badan ka helay xilligii ololaha doorashada ku jira siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa xilal muhiim ah ku abaalmarinaya Soomaalida kunool dalkaasi ee dowladda ku jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *