Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug Oo Dalbaday in Hubka Iyo Ciidanka Ahlu Suna Lagu Wareejiyo.
Wararka Maanta - October 31, 2021

Madaxweynaha Galmudug Oo Dalbaday in Hubka Iyo Ciidanka Ahlu Suna Lagu Wareejiyo.

October 31, 2021 6:47 pm maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa kulan kula qaatay halkaasi odayaasha iyo waxgaradka degmada Guriceel.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa odayaasha dhaqanka ka dalbaday in hubka iyo ciidamada Ahlu Sunna lagu soo wareejiyo maamulka Galmudug, si uusan markale dagaal uga dhicin deegaanada maamulka Galmudug.

Dalabka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xili dhawaan afar maalmood oo xiriir ah ay degmada Guriceel ku dhex dagaalamayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca, kaasoo geystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweyne Qoorqoor ayaa imaanaya xili ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ay ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo magaalada Dhuusamareeb u jirta ilaa 30KM, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ahlu Sunna oo ku saabsan dalabka kasoo baxay madaxweynaha Galmudud Axmed Qoorqoor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *