Home Wararka Maanta Madax ka Qeyb-gashay Aaska Madaxweynihii Hore Ee Puntland
Wararka Maanta - July 15, 2020

Madax ka Qeyb-gashay Aaska Madaxweynihii Hore Ee Puntland

July 15, 2020  Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada Dawlada Puntland aas balaaran loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Yuusuf oo dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya.

Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan ay kamd yihiin Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalka, qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxdii kala duwanaa ee ka hadashay aaska Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa u tacsiyeeyay eheladii uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Puntaland, waxa ayna sheegeen in uu ahaa nabadoon wax badan usoo qabtay reer Puntland.

Garoowe

Madaxweyne Ku xigeenki ugu horeeyay isla markana aha Madaxweynihii 2-aad ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Garoowe.

Публикувахте от Universal Somali TV в Сряда, 15 юли 2020 г.

Magaalada Garawe ayaa sidoo kale la filayaa in lagu aaso Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo isna ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaana aaska Xasan Abshir isna ka qeyb galaya masuuliyiin kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *