Home Wararka Maanta Madaafiic Goordhawayd Lagu Garaacay Xarunta Xalane Ee Muqdisho
Wararka Maanta - March 9, 2021

Madaafiic Goordhawayd Lagu Garaacay Xarunta Xalane Ee Muqdisho

March 9, 2021 ay somalifox.u xaqiijiyeen goobjoogayaal tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn Ciidanka AMISOM iyo xubnaha beesha Caalamka.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan Agagaarka xarunta Xalane ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka Madaafiic oo laga tuuray degmooyin ka mid ah Muqdisho.

Ku dhawaad Shan hoobiye ayaa ku dhacday xarunta, iyadoo weerarkaan uu kusoo beegmayo xilli teendhada Afesiyone oo ku dhow xarunta Xalane lagu waddo in lagu qabto shirka Dowlada Federalka,maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa ah mid ay soo qabanqaabisay beesha Caalamka ka dib markii ay ku fashilantay dowladda dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *