Home Wararka Maanta Maamulka Gobolka Sool oo beeniyay in degmada Boocame ay la wareegeen Ciidamada Somaliland.
Wararka Maanta - May 18, 2022

Maamulka Gobolka Sool oo beeniyay in degmada Boocame ay la wareegeen Ciidamada Somaliland.

Muqdisho-somalifox.com –Maamulka Gobolka Sool gaar ahaan gudoomiyaha gobolka Sool ee Puntland oo ku sugan Degmada Boocama ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciimado Somaliland katirsan ay la wareegeen degmada Boocame.

Waxa uu xusey in malayshiyo beeleed hubeysan ay saaka aroornimadi hore ay isku dayeen inay magaalada gudaha usoo galaan, balse iskacaabin booliska deegaanku sameeyay lagu fashilayay arrinkaas.

Boocame ayaa laga xukumaa Puntland, waxaana xafiis u ah Maamulka Gobolka Sool oo uu magacaabo Puntland.

Degmada Boocama ayaa qiyaas ahaantii 70 km u jirta Magaalada Garawe waxaan maamulak Somaliland ay labadii sano ee u danbaysay ku mashquulsanaayen u diyaar-garowga qabsashada degmada Boocame

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *