Home Wararka Maanta M/Deni Oo Dib U Magacaabay Xubnihii Maxkamadda Sare Puntland Ee la Diiday
Wararka Maanta - July 4, 2022

M/Deni Oo Dib U Magacaabay Xubnihii Maxkamadda Sare Puntland Ee la Diiday

July 4, 2022 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Puntland kadib markii Xubnaha Golaha wakiilada Maanta ay diideen inay ansixiyaan Mas’uuliyiintii loo Magacaabay Maxkamadda Sare.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 90aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

1-Keydka

2-Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin

3-Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

4-Xubno Guddi

5-Daahir Maxamed Nuur

6-Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *