Home Wararka Maanta M/Deni Oo Arrimaha Doorashada kala Hadlay Ergayga QM Ee Somaliya.(Sawiro)
Wararka Maanta - December 31, 2021

M/Deni Oo Arrimaha Doorashada kala Hadlay Ergayga QM Ee Somaliya.(Sawiro)

December 31, 2021  Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Saciid Deni iyo James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo dhoor ah ay kamid yihiin doorashada iyo sidoo kale shirka wadatashiga qaran ee dhawaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirka golaha wadatashiga qaran waxa uuna ku booriyay Madaxeynaha Puntland ka shaqeynta qabashada doorasho hufan.

Madaxweynaha Puntland ayaa u yimid magaalada Muqdisho ka qeybgalka shirka wadatashiga qaran ee looga arinsanayo sixitaanka doorashada.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *