Home Wararka Maanta Laftagreen Iyo Qoorqoor Oo Ku Wajahan Magaalada Muqdisho
Wararka Maanta - March 16, 2021

Laftagreen Iyo Qoorqoor Oo Ku Wajahan Magaalada Muqdisho

March 16, 2021

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtaan Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Madaxwaynaha Maamulka Koonfureed Galbeed Cabsi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Labada Madaxweyne ayaa haatan ku sugan dalka Turkiga oo dhawaan siyaabo kala duwan ay u tageen, kadib markii uu muddo bil gudaheed ah oo uu baaqday Shir uu dowlad Goboleedyada ugu yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay shuruud ku xireen Shirka ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ee la filayo in dhawaan lagu qabto Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay cadaadis kala kulmayeen Beesha Caalamka oo ka dalbaneysay inay Muqdisho dib ugu soo laabtaan, taas oo soo dedejisau safarkooda Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *