Home Wararka Maanta Koox cabtooy ah oo dilay Taliyihii Saldhigga Qardho
Wararka Maanta - June 15, 2022

Koox cabtooy ah oo dilay Taliyihii Saldhigga Qardho

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa dil loogu geystay Taliyihii ciidamada booliska ee Saldhigga Qardho Cumar Hiiraad Kaatuun.

Taliyaha waxaa dilka u geystay koox cabtooy ah oo daroogo isticmaasha oo uu doonayay inuu xir xiro, xiliga la dilayay waxaa la sheegay inuu ku jiray howlgal.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka marxuumka inkastoo uusan faahfaahin dheeriya ka bixin sida wax u dhaceen iyo waxa dilka loo adeegsaday.

Ciidamada amniga ee degmada Qardho ayaa howlgallo ay sameeyeen gacanta ku soo dhigeen qaar kamid ah dadka loo heysto falkan, halka kuwo baxsadayna ay ku raad joogaan hay’adaha amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *