Home Wararka Maanta Khilaafkii Deni iyo Karaash Oo Xal Laga Gaaray
Wararka Maanta - June 2, 2020

Khilaafkii Deni iyo Karaash Oo Xal Laga Gaaray

June 2, 2020 1:37 pm Odayaasha dhaqanka ee Puntland iyo ayaa ku guuleystay in ay kulansiiyaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.

Odayaasaha ayaa ku guuleystay in labadda dhinac ay kawada hadlaan qodobada Muranka badan dhaliyay ee maalmihii lasoo dhaafay taagnaa.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo kulan la qaatay Gudoonka Baarlamaanka iyo Hoggaanka Dhaqanka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoonka baarlamaanka iyo hoggaanka dhaqanka Puntland. Kulanka waxaa looga hadlay midnimada iyo wadajirka Puntland, waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaanta maamul iyo shaqo ee u dhexeysay madaxda sare ee Puntland.Afhayeenka Madaxtooyada ahna agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Jama Deperani ayaa ka warbixiyey kulanka.

Публикувахте от Puntland State House в Вторник, 2 юни 2020 г.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in ay labada masuul ee u sareysa Puntland aqbaleen in ay kawada hadlaan waxyaabaha ay isku hayeen, lagana gudbo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa cabasho ka muujiyay in Madaxweyne Deni uusan wax la tashi ah kala sameyn talaabooyinka ay uu qaadayo ee ay ka mid yihiin xilka qaadista iyo Magacaabista.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *