Home Wararka Maanta Khilaafka Soomaaliya: Madaxweyne Farmaajo oo Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyihiisa amniga
Wararka Maanta - September 7, 2021

Khilaafka Soomaaliya: Madaxweyne Farmaajo oo Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyihiisa amniga


September 8, 2021 Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Isniintii shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin oo sanadihii dambe ahaa agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Fahad iyo hay’adda uu hogaaminayay ayaa lagu eedeeyay kiiska Ikraan Tahliil oo la la’aa muddo dhowr bilood ah. NISA ayaa sheegtay in gabadhaas ay dileen xooggaga Al-Shabaab, warkaas oo uu beeniyay ururka dagaalka kula jira xukuumadda Soomaaliya iyo ajaaniibta taageerta.

Xeerka Madaxweynaha oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu “aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *