Home Wararka Maanta Khasaare ka Dhashay Israsaaseyn Caawa ka Dhacday Magaalada Garowe.
Wararka Maanta - November 6, 2021

Khasaare ka Dhashay Israsaaseyn Caawa ka Dhacday Magaalada Garowe.

November 6, 2021  Tacshiirad khasaare nafeed geysatay ayaa caawa la isku weydaarsaday magaalada Garowe ee xarunta Puntland ka dib markii ay fooda is dareen ciidamo ka wada tirsan maamulkaas.

Rasaasta ayaa bilabatay markii askar ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ay isku dhaceen ciidamo Taraafiko ah bartamaha magaalada Garowe.

Labada ciidan ayaa isku maan dhaafay Gaari laga xereeyay ciidanka Madaxweyne ku xigeenka ka dib markii uu galay qalad la xiriiray dhinaca socodka wadada sida ay somalifox.com u sheegeen ilo xog ogaal ah

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay tacshiirada la isweydaarsaday, waxaana daqiiqado ka dib caadi ku soo laabtay xaalada, iyadoo dhacdooyinka noocan ah ay yihiin kuwo aan looga baran degaanada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *