Home Wararka Maanta Kenya Oo Tababar U Xirtay Geel Qeyb ka ah la Dagaalanka Al-Shabaab.(Sawiro)
Wararka Maanta - July 20, 2022

Kenya Oo Tababar U Xirtay Geel Qeyb ka ah la Dagaalanka Al-Shabaab.(Sawiro)

July 20, 2022 Kenya ayaa ilaa 200 oo neef oo geel ah tababartay kuwaasoo loo aqoonsaday inay diyaar u yihiin howlgal rasmi ah oo ka dhan ah xoogaga Al-shabaab ee ka soo gudba xadka Somalia.

Geella ayaa la sheegay in loo tababaray miinooyinka iyo walxaha qarxa kaddibna ogaysiiyaan askariga la socda.

Dhowaan ayaa Geelan dhoollatus awoodooda lagu soo bandhigay waxaa lagu qabtay degmada Isiolo markii Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay jirto kooxda Camel Calvary Team, oo ah nooc cusub oo ka mid ah xayawaanka booliiska oo awal ahaa eeyo iyo fardo kaliya

Waxaa lagu tababaray Geellan meelo kala duwan oo kala joog sarreeya, sidoo kale dhulka qallalan ayaa lagu tababaray, si ay ula qabsadaan xaalad kasta oo soo wajahda

Cherengany Hills, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha ayaa ka mid ah goobaha ay ka howlgeli doonaan Geellan sida ay saraakiishu sheegeen.

Sanadihii la soo dhaafay, waxaa meelo ka mid ah dalka Kenya ka dhacay weerarro loo adeegsaday walxaha qarxa, iyadoo ay Kenya uga dhinteen booliis ka badan ilaa 100 askari iyo shacab aan tiro laheyn, mana cadda waxa geellan la tababaray ay ka bedeli karaan qaraxyada soo laalaabta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *