Home Wararka Maanta Jadwalka Doorashada Guddoonka Labada Aqal Ee Barlamaanka Oo la Shaaciyay
Wararka Maanta - April 18, 2022

Jadwalka Doorashada Guddoonka Labada Aqal Ee Barlamaanka Oo la Shaaciyay

April 18, 2022  Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel mariyay jadwalka doorashada guddoonka labada aqal ee barlamaanka.

Sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka, waxaa la isku raacay in 27- ka bishaan Abril ay noqoto doorashada guddoonka golaha shacabka, halka 26 ka bishana la dooranayo guddoonka golaha aqalka sare.

Diiwaan galinta musharraxiinta ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta maalinta berri ah oo ku beegan 19 abril, waxaana sidoo kale lasoo saaray wax ka beddel lagu sameeyay qidmadaha lacaga qaadayo musharraxiinta guddoonka labada aqal.

Musharraxiinta guddoomiyayaasha labada aqal ayaa laga qaadayaa lacag dhan $20,000, halka ku xigeennada laga qaadayo $15,000.

Musharraxiinta madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhankooda laga qaadayaa lacag dhan $40,000. Horey waxay u ahaan jirtay $30,000.

190 xildhibaan ayaa u codeysay wax ka beddelka lagu sameeyay qidmadaha musharraxiinta. Hal xildhibaan ayaa diiday, halka Lix xildhibaan ay ka aamuseen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *