Home Wararka Maanta Jabuuti Oo Heshay Talaalka Covid19 March 7,
Wararka Maanta - March 7, 2021

Jabuuti Oo Heshay Talaalka Covid19 March 7,

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in ay heshay qeybtii ugu horreysay ee tallaalka Covid-19. Lama sheegin cadadka soo gaaray Jabuuti, hase yeeshee, waxaa hay’adaha gargaarku sheegeen in toddobaadkii horena ay Jabuuti heshay cirbadihii loo isticmaali lahaa in tallaalka lagula mudo dadka.

Jabuuti waxaa la sheegay in ay muhiimadda u horreysa siinayso dadka ka weyn 50 sano, kuwa qaba xanuunada halista ah, iyo shaqaalaha caafimaadka.

Jabuuti waa waddankii ugu horreeyey ee dalalka Gobolka la isku yiraahdo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA) oo tallaalkan soo gaaro.

Tallaalkan ayaa ka yimid COVAX oo ah mashruuc ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Isbahaysiga Tallaalka GAVI iyo hay’ad kale oo lagu magacaabo Isbahaysiga Diyaargarowga Cudurrrada 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *