Home Wararka Maanta Itoobiya oo Ku faantay inay Amniga Soomaaliya intabadan Gacanta Ku hayso
Wararka Maanta - March 10, 2024

Itoobiya oo Ku faantay inay Amniga Soomaaliya intabadan Gacanta Ku hayso

March 10, 2024 Taliyaha ciidanka difaaca Itoobiya Feild Marshal Birhanu Jula oo wareysi soconayey 2 saacadood iyo dheeraad siiyey warbaahinta dalkiisa, ayaa sheegay in aysan dawladda Soomaaliya fadhiyin oo ku nagaan karin caasumada Muqdisho, haddii ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.

Birhanu ayaa ku eedeeyey dawladda Soomaaliya labo codleyn, marna amaanaysa dhankooda marna maagaysa, taas oo uu sheegay in aysan sax aheyn oo ay dafiicnimo tahay.

Taliyahan ayaa sheegay in ay amniga Soomaaliya 60% gacanta ku hayaan, deegaanada Jubbaland, Gedo, Koonfur Galbeed & Baladweyne ayuu sheegay in ay shacabku ay iyaga kuqanacsan yihiin la joogidooda, oo haddii ay baxaan (Ciidanka Itoobiya) ay u sheegayaan in ay raacayaan oo aysan ka hareynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *