Home Wararka Maanta Israsaaseyn ka Dhacday Guri-ceel Oo Khasaare Nafeed Gaysatay.
Wararka Maanta - November 10, 2021

Israsaaseyn ka Dhacday Guri-ceel Oo Khasaare Nafeed Gaysatay.

November 9, 2021 Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday Haweeneey Shacab ahna waa ay ku dhaawacantay is rasaaseyn Maanta degmada Guriceel ku dhexmartay laba Ciidan

Wararka ayaa sheegaya in goobta israsaaseynta ka dhacday ay ka socotay qeybinta kaarar la doonayay in dad shacab ah raashin lagu siiyo, waxaana ka dib isku dhacay laba ciidan oo ilaalo ka hayay goobtaasi oo muran uu soo kala dhex galay, kuwaasoo ka tirsanaa ciidamadii dhowaan ka dagaalamay degmadaas ee ka socda Galmudug iyo DF.

Goobjooge ayaa sheegay in ciidamada dagaalamay ay kala dhex galeen Saraakiisha Ciidamada ka howlgalla Guricrel.

Haweeneyda dhaawacantay ayaa la geeyay Isbitaalka degmada Guriceel halkaasoo lagu daweynayo

Laamaha Amniga degmada Guriceel ayaan weli ka hadlin is rasaaseynta khasaaraha geysatay ee Maanta ka dhacday degmadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *