Home Wararka Maanta In ku Dhaw Konton Qof Oo ku Dhimatay Daadad Xoogan Oo ku Dhuftay Jarmalka.(Sawiro)
Wararka Maanta - July 15, 2021

In ku Dhaw Konton Qof Oo ku Dhimatay Daadad Xoogan Oo ku Dhuftay Jarmalka.(Sawiro)

July 15, 2021

Daadad xoog badan oo ku dhuftay dalka Jarmalka ayaa waxaa ku naf waayay ugu yaraan 40 qof.

Qeybo badan oo dalka Jarmalka ka mid ah waxaa ka socdo roobab xooggan, waxaana dadka dhintay ka sokow la la’yahay dad kale kuwaasoo weli lagu raadinayo nolol iyo geeri.

Roobabkan daadadka iyo dabeylaha wata ayaa guryo badan dumiyay, waddooyinna xiray, waxaana meelaha adkaatay iney gaaraan shaqaalaha badbaadada.

Gobollada NRW iyo Rheinland-Pfalz oo ka tirsan dalka Jarmalka ayaa la soo sheegayaa iney xaaladaha ugu adag ka jiraan

Ma ahan dalka Jarmalka oo keliya ee daadadka ayaa guud ahaan ku dilay 46 ruux galbeedka Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *