Home Wararka Maanta Hogaanka CID-Puntland oo la kulmay sarkaal ka tirsan QM
Wararka Maanta - February 3, 2022

Hogaanka CID-Puntland oo la kulmay sarkaal ka tirsan QM

February 3, 2022  Taliyaha hogaanka CID Puntland Gen. Cumar Cabdi Cilmi & K/xigeenkiisa G/sare Abshir Xuseen Siciid Dabeylaha ayaa ku qaabilay xarunta guud ee Taliska CID – da Puntland Mark Teodorini oo ah La-taliyaha Sare oo ka tirsan xafiiska QM qeybta danbiyadda iyo daroogada waxaana uu kormeerey taliskuna uga warbixyay sida ay u socoto shaqada xafiiska danbi baarista Puntland.

Hay’adda UNODC iyo INL ayaa balanqaaday in ay kordhindoonaan mashaariicaha kaladuwan ee ay siiyaan Dawlada Puntland Taliska Booliska Puntland gaar ahaan Hay’adda CID, iyagoo ka caawiya ka hortaga danbiyada, ka hortaga tahriibinta dadka, baaritaanka sirdoonka IWM.

Lataliyahan ka socday QM qeybta ka hortaga danbiyada iyo daroogadda ayaa sidoo kale booqday taliska guud ee booliiska Puntland intii uu kusugnaa, iyadoo diirada lasaaray sidii Booliska Puntland loo horumarinlahaa Loogana dhigilahaa mid lajaanqaada dunida casriga ah.

Intii uu joogay Booliska Gen. Mohamed Ali Haashi iyo Hogaamada cusub ee CID waxay isbedel muuqda kasameeyeen hawlaha Booliska Puntland oo ay CID Qayb katahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *