Home Wararka Maanta Hirshabelle iyo K/Galbeed Oo soo Bedelay Xubnihii Cabashada Laga Keenay Ee Gudiga Dorashada
Wararka Maanta - June 11, 2021

Hirshabelle iyo K/Galbeed Oo soo Bedelay Xubnihii Cabashada Laga Keenay Ee Gudiga Dorashada

June 11, 2021 Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa soo bedelay xubnihii cabashada laga gudbiyey ee ku jiray Guddiyadii doorashada.

Maamulka Hirshabelle ayaa afar xubnood ku soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.

Sidoo kale, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa labo xubnood soo bedelay oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal sida ku xusan labo wareegto oo ka soo kala baxday labada Madaxweyne ee dowlad goboleedyadaas.

Halkan Hoose Ka Akhriso;

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *