Home Wararka Maanta Haweenay South African ah Oo Dishay Ninkeedii Oo Somali ahaa
Wararka Maanta - May 24, 2021

Haweenay South African ah Oo Dishay Ninkeedii Oo Somali ahaa

May 24, 2021  Muwaandin Soomaali ayaa caawa lagu dilay degaanka Mayfair oo ka tirsan Magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ka dib markii ay rasaas ku furtay xaaskiisa oo u dhalatay dalkaas.

Marxuumka oo magaciisa lagu soo gaabiyey Abdihakiin laguna naaneysi jiray (Gigis) ayaa xaaska uu qabay waxay dilkiisa u adeegsatay bastoolad uu lahaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gabadha toogashada geysatay ay wacday Booliska una sheegtay wixii dhacay, waxaana markii dambe guriga yimid Booliska oo xabsiga dhigay gabadhan.

Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysay dilkan oo naxdin iyo argagax ku noqday Soomaalida ku nool dalka Koonfur afrika waxaana socdo baaritaan la xiriira dhacdadan.

Dhinaca kale, Koox Burcad ayaa isla caawa nin oo Soomaali ah ku dilay Xaafadda Bellville ee magaalafa Cape Town kaasoo lagu magacaabi jiray Marxuum Yuusuf Ibraahim Saamacadde, waxaana dilkan uu qeyb ka yahay dilalka joogtada ah ee sanadahan lagu hayey Soomaalida iyo ajaaniib kale ee ka shaqeysta dalka Koonfur Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *