Home Wararka Maanta Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Hiiraan Oo Goor-dhowayd Lagu Dilay Muqdisho
Wararka Maanta - January 23, 2022

Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Hiiraan Oo Goor-dhowayd Lagu Dilay Muqdisho

January 23, 2022 Waxaa goor dhow degmada wadajir ee gobolka Banaadir lagu dilay Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada wadajir ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo guuray gobolka Hiiraan

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen caawa xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaadda Cishaha.

Laamaha amaanka DF ayaan ka hadlin dilkan oo ku soo beegmay xili todobaadyadan ay sii kordheen dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *