Home Wararka Maanta Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Is-casilay
Wararka Maanta - June 1, 2022

Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Is-casilay

Guddoomiyihii guddiga Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyoraacayaa iska casilay xilkaasi.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay xubnaha guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Riyo-raac oo markii hore mucaaradku ka biyo diideen magacaabistiisa ayaa qabtay Doorashadii Wakiillada iyo degaanka oo uu ammaan badan ku helay.

Hore xubno kale ayaa isaga casilay guddida Doorashooyinka Somaliland

Somaliland waxa ka jira dhaqdhaqaaqyo lagu abaabulayo bannaanbaxyo iyo kuwo lagaga hortagyo in ay dhacaan bannaanbaxyadaasi oo mucaaradku ay ku baaqeen.

Mucaaradka iyo xukuumadda oo xiisad siyaasadeed oo adagi dhextaalo ayaa qolaba dhankeeda ka waddaa sidii ay awoodeeda u muujin lahayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *