Home Wararka Maanta Guddoomiye Ku Xigeenkii Deyniile oo Qarax Lagu Dilay
Wararka Maanta - April 20, 2021

Guddoomiye Ku Xigeenkii Deyniile oo Qarax Lagu Dilay

MUQDIsho.somalifox)-Qarax waddada dhinaceeda la ayaa lagu bartilmaameedsaday gaadiid uu la socday gudoomiye kuxigeenkii siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamad Maxamuud sida uu sheegay xoghayaha degmada Mahad Sharraawe.

Guddoomiyaha ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxaas.

Qaraxa ayaa la sheegay in guddoomiyahay lagula bartilmaameedsaday agagaarka xaafadda Daaru-salaam.

Qaar ka mid ah ilaalada guddoomiyaha ayaa iyana la sheegay in dhaawacyo ay soo gaareen haatanna lagula tacaalayo isbitaallada.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay waddada Daaruslaam, balse miinooyinka waddooyinka hareerrahooda la galiyo ee lala beegsado saraakiisha dawladda waxa fuliya al-Shabaab.

Dhawaan ayey ahyd markii uu qarax noocan oo kale ah uu ka badbaaday xoghayaha Degmada Dayniile oo asagana lagula eegtay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Degmada Dayniile.

The post Guddoomiye Ku Xigeenkii Deyniile oo Qarax Lagu Dilay appeared first on Halbeeg News.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *