Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyey Miisaaniyad ka badan $354 Milyan
Wararka Maanta - November 4, 2021

Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyey Miisaaniyad ka badan $354 Milyan

November 4, 2021 Golaha Wasiirada Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii khamiislaha ahaa, kaas oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka maanta ayaa Golaha Wasiirada Puntland ku ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022, taas oo dhan $354,039,039, iyadoo muujinaysa koror dakhli oo gaaraya 11%.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Puntland ayaa meel-mariyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada Dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Miisaaniyadda cusub ee Puntland ayaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Puntland todobaadyada soo socda, iyadoo ka doodisteedu ay qeyb ka tahay Ajandaha Golaha ee kalfadhigga 49-aad ee Baarlamaanka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *