Home Wararka Maanta Gen. Saadaq Joon oo isku dhiibay farmajo kulmay.
Wararka Maanta - January 8, 2022

Gen. Saadaq Joon oo isku dhiibay farmajo kulmay.

January 8, 2022 Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Cumar Xasan ‘Joon’ ayaa xaley ku kulmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, sideed bilood kadib markii uu Madaxweynaha ka xayuubiyay janaraalka xilkii Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Banaadir.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in kulanku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo beryahan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon ayaa daba-socda kulan shalay dhex maray Taliyihii hore ee Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulanka dhex maray Madaxweyne Farmaajo, Saadaq Joon iyo Fahad Yaasiin ayaa lagu sheegay iscafis, Waxaa kulanka dhinacyadan dhexmaray fududeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo laga soo doorto Jubbaland, kana mid ah ragga ugu dhow xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *