Home Wararka Maanta Garoowe: Dooxada Bixin oo laga mamnuucay dalxiiska
Wararka Maanta - May 18, 2021

Garoowe: Dooxada Bixin oo laga mamnuucay dalxiiska

May 18, 2021 Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa mamnuucay in loo dalxiis tego dooxada Bixin, oo ka tirsan caasimadda Garoowe, islamarkaana dhanka waqooyi kaga beegan magaalada.

Saraakiisha Booliiska Nugaal, ayaa laga soo xigtay in dadweynaha laga mamnuucay dooxada Bixin, kadib markii qashin badan lagu daadiyay, taas oo waxyeello gaarsiisay bilicda iyo nadaafadda dooxadaas.

Sidoo kale, Booliiska ayaa mamnuucay in lagu dabaasho dhammaan ceelasha ku yaal togaga Garoowe, kadib markii todobaadkan ilaa saddex qof ay ku dhinteen ceelka Afdhurwaayaale ee duleedka caasimada.

Togaga ku xeeran magaalada Garoowe waxa u dabaal-taga dad weyne kala duwan oo u badan dhalinyarada da’ yarta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *