Home Wararka Maanta Gaari Uu La Socday Imaamka Beesha Mudulood Oo La Rasaaseeyey
Wararka Maanta - February 13, 2021

Gaari Uu La Socday Imaamka Beesha Mudulood Oo La Rasaaseeyey

Faah faahino ayaa laga helayaa Is rasaaseyntii ka dhacday Agagaarka Xabsiga Dhexe Ee Xamar halkaasi oo galabta shaqaaqo ay ka dhacday.Advertisement

Gaadiid halkaasi marayey ayaa waxa ka shakiyey ciidamo kusugnaa Wadada hormarta Maxkamada Gobolka Banaadir,waxaana rasaas ay ku fureen baabuurtaasi.

Waxa midkood Gaadiidkaasi oo nuuca Xabada Karin (Bullet Proof-ka) saarnaa Imaamka Beesha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf Cali,wax khasaaro ahna ma soo gaarin.

Advertisement

Qaar ka mid ah Ilaalada la socotay Imaamka ayaa dhaawac soo gaareen sida ay xaqiijiyeen dad ka ag dhawa goobta,iyadoo markii dambe Saraakiil kusoo baxeen Tacshiirada la is weydaarsaday.

Duubabka Dhaqanka Ee La rasaaseeyey ayaa kasoo noqday Gogosha la fidiyey Ee Tacsiga Marxuum General Maxamed Nuur Galaal.Advertisement

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax tuur) ayaa sheegay in Imaamku caafimaad qabo oo gaari xabadu Karin saarnaa markii rasaasta lagu furayey Gaadiidkaasi.

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa taageersan sida la sheegay Dawlada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,iyadoo dhawaan Cali Mahdi iyo Xubno Siyaasiyiin kale ah ay caano shubeen Imaam Kale si loogu dhabar jebiyo Imaam Yuusuf.Advertisement

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *