Home Wararka Maanta Faroole oo noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee laga soo doorto Puntland.
Wararka Maanta - August 11, 2021

Faroole oo noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee laga soo doorto Puntland.

August 11, 2021 9:11 am barlamaanka Puntland ee Garoowe waxaa si rasmi ah uga socota doorashada xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya ku matali doona deegaamada Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo horay ku dhawaad shan u soo fadhiyey kursiga aqalka sare ayaa markale noqday senatorkii ugu horreeyey ee laga soo doorto deegaamada Puntland.

Senator Cabdirmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa tartan la galay Maxamed Cismaan Colaad oo kamid ah ganacsatada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayna saaxiib dhow yihiin madaxweyne Faroole.

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxa uu ku soo baxay codad gaaraya 54 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Cismaan Colaadna uu helay 11 cod

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *