Home Wararka Maanta Farmajo oo ciidan dheerad ah geeyay wasaarada warfaafinta
Wararka Maanta - September 6, 2021

Farmajo oo ciidan dheerad ah geeyay wasaarada warfaafinta

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo dheeri ah oo ka tirsan koofiya Casta la geeyay gudaha dhismaha wasaaradda warfaafinta sida ay BBC-da u xaqiijiyeen qaar kamid ah weriyayaasha ka shaqeeya warbaahinta dawladda.

Balse madaxtooyada ayaa dhanka kale sheegtay inaanay jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu “amray in shaqadiisa uu sii wato” Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.

Warsaxaafadeed uu soo soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu dhanka kale xilka uga joojiyay Fahad Yasin waxaa lagu yiri: “Markii (ra’iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay’adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *