Home Wararka Maanta Faransiiska Oo Sii Daayay Muwaadin Sacuudiyaan Ah Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ku Lugl Lahaa Dilkii Khashoggi
Wararka Maanta - December 9, 2021

Faransiiska Oo Sii Daayay Muwaadin Sacuudiyaan Ah Oo Lagu Eedeeyay Inuu Ku Lugl Lahaa Dilkii Khashoggi

December 9, 2021 Dacwad oogayaasha Paris ayaa Arbacadii sheegay in nin Sacuudiyaan ah oo Talaadadii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Paris sababo la xiriira in uu xiriir la lahaa dilka weriye Jamal Khashoggi la sii daayay ka dib markii ninka la xirey uusan ahayn ninkii lagu tuhunsanaa inuu ka qeybqaatay dilka Kashoggi.

Ilaha sharci fulinta ee Faransiiska ayaa Talaadadii ninkan ku magacaabay Khalid Alotaibi, oo la magac ah nin hore uga tirsanaan jiray ilaalada Boqortooyada Sacuudiga oo ku qoran dukumentiyada cunaqabateynta ah ee Mareykanka iyo Britain iyo warbixin ay Qaramada Midoobay u xilsaartay oo ku saabsan in uu ku lug lahaa dilka Khashoggi ee Turkiga.

Safaaradda Sacuudiga ee Paris ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii in qofka la xiray uusan wax lug ah ku lahayn kiiska su’aasha ah.

Ilaha ammaanka ee Sacuudi Carabiya ayaa intaa ku daray in “Khaled Alotaibi” uu ahaa magac caan ku ah Boqortooyada, iyo in qofka Faransiisku u maleynayo in ay hayaan uu ka mid yahay maxaabiis ku xiran Sacuudi Carabiya.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayeen in amarka uu bixiyay Turkiga, kaasoo dhaliyay in la xiro markii ninkan baasaboorkiisa la iska sawiray, xilli lagu guda jiray baaritaanka xuduudaha, uusan khuseyn ninka lagu qabtay garoonka diyaaradaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *