Home Wararka Maanta Fahad Yaasiin iyo saraakiil kale oo saakay kasoo dagay Aaden Cadde
Wararka Maanta - September 21, 2021

Fahad Yaasiin iyo saraakiil kale oo saakay kasoo dagay Aaden Cadde

September 21.Magaalada Muqdisho waxaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne ee Mohamed Abdullahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maalmihiia soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga.

Saraakiil dhinaca Hay’adaha Amniga ah ayaa somalifox.com u sheegay imaatinka Fahad Yaasiin oo diyaarad khaas ah ay ka keentay dalka Turkiga.

Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Waxaa sidoo kale Fahad la socday saraakiil kale kuwaa oo si dhaw isaga ula shaeeya iyadoo ay xusid mudantahay in imaatinkiisa isha lagu wada hayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *