Home Wararka Maanta Fadeexad ka dhacday xafladii 1 agysto madaxtooyada Puntland
Wararka Maanta - August 2, 2021

Fadeexad ka dhacday xafladii 1 agysto madaxtooyada Puntland

August 2, 2021
Guud ahaanba waxaa habeenimadii xalay ahayd si lama filaan ah loo joojiyey xafladdii lagu xusayey sanad guurada 23aad ee aasaaskii Puntland, taasi oo ka socotey aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay madaxda ugu sarraysa Puntland, xildhibaano katirsan labada aqal ee Soomaaliya, wasiiro heer federal ah, madax hore, isimo, marti ka timid dalka dibaddiisa iyo boqolaal kamid ah shacabweynaha reer Puntland.

Xafladda ayaa si kedis ah u baaqatay kadib markii ay shaqayn waayeen sameecadihii ama codbaahiyayaashii halka iyo kuwii ay wateen kooxaha fanka iyo suugaanta ee deegaamada Puntland, taasi oo sababtay in lays maqli waayo lana baajiyo guud ahaan xafladda oo siweyn loosoo agaasimey. waxaa la soo sheegayaa in la lunsaday kharashii loogu talagalay

Madaxweynaha Puntland oo soo istaagey ayaa ka raali geliyey dhacdadaan dhammaan martidii kala duwanayd ee ku sugnaa goobta, wuxuuna sheegay inay dhacday cilad farsamo oo ka dhalatay dedaalo aan loo meeldejiyin lana xallin doono si aysan dib ugu soo laaban.

Ugu dambayn madaxweynaha ayaa sheegay inuu habeenimada caawa ah xaflad casho sharaf ah u samayn doono dhammaan martidii kala duwanayd ee ka soo qaybgashay xafladdii xalay isla markaana uu maamuusi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *