Home Wararka Maanta Faah-faahinta Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho.(Sawiro)
Wararka Maanta - August 14, 2022

Faah-faahinta Qarax ka Dhacay Magaalada Muqdisho.(Sawiro)

August 14, 2022 Qarax ayaa goor dhow oo galabta ah ka dhacay agagaarka isgoyska Florenza oo ka tirsan degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxan ayaa ahaa mid lagu xiray gaari la sheegay inuu lahaa nin dhaqtar ah oo magaciisa lagu soo gaabiyey Dr. Cabdiraxman.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhaqtarka uu ka badbaaday qaraxaas, isla markaana uu ka maqnaa xiliga uu qarxayey gaariga oo barking ku jiray.

Qaraxa ayaa burbur u geystay qeybta darawalka uu fadhiisto ee gaariga taasoo hoosteeda lagu xiray miinada qaraxday.

Lama sababta qaraxa loo beegsaday dhaqtarkan iyo cida ka dambeysay inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *