Home Wararka Maanta Faafaahin: Sidee Dagaalkii Garoonka Bosaso Ku Dhacay? Khasaaradu waa imisa?
Wararka Maanta - July 11, 2022

Faafaahin: Sidee Dagaalkii Garoonka Bosaso Ku Dhacay? Khasaaradu waa imisa?

July 11, 2022  Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Bosaso ka dhacay iska-hor-imaad u dhexeeyey ciidanka PMPF+PISF iyo ciidanka Kumaandooska Puntland ee PSF haddaba maxaa keenay iska-hor-imaadka, keenag dhimashada iyo dhaawaca?.

Taliyaha guud ee ciidanka PSF Gen Maxamuud Cismaan Cabdullaahi ayaa wefdi u joogey oo marti u ahaa maanta ka dhoofin lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso, haddaba Gen. Maxamuud waxa uu ciidankii la socdey ku reebay albaabka hore ee Garoonka waxaana isaga iyo martidiisi ay gudaha u galeen garoonka, nasiib darro waxay ku aadeen xaalad kacsan oo garoonka ka taagan.

Ciidanka PMPF waxay Agaasime Gen Maxamuud u diideen in uu garoonka galo, waxaana garoonka ka taagneyd muranka diyaaradd la doonaayey in dib loo celiyo.

Diyaaradda la celiyey waa midda ay raaci lahaageen wedfdiga PSF u joogey ee uu wadey Gen. Maxamuud.

Agaasime Gen. Maxamuud waxa uu dib uga soo noqdey garoonka, waxaana ciidanka PSF ay dhankooda diideen in garoonka la galo, laakiin waxaa weerar laba dhinac ah ku soo qaadey ciidanka Amiin Xaaji Kheyr ee PISF iyo kuwa PMPF, waxaana halkaas ka dhacay khasaaro weyn.

Ciidanka PSF waxay la wareegeen dhamaan afaafka hore ee garoonka, waxaana kala yaacey ciidankii soo weeraray. Ciidankii PMPF waxay ku urureen Terminaalka, halka kuwa Amiin Xaaji Kheyr ee PISF w ku noqdeen Village.

Dhimashada PSF ayaa lagu sheegay saddex askeri halka ciidanka PMPF + PISF ay ka dhinteen 11 askeri., waxaana jira dhaawac labada dhinac ah.

Ciidanka PSF ayaa hadda isaga baxay Garoonka diyaaradaha waxaana ay dib ugu noqdeen, fadhiisinkoodi.

Xaaladda Diyaaradda Dib loo celiyey

Diyaarad sidey mucaawano oo ay la socotey Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiye ku xigeenka agolaha shacabka Sacdiya Salaad Samatar ayaa lagu amray in aysan soo degi karin laakiin diyaaraddu si degdeg ah ku soo degtey.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa amrey in la soo dhaweeyo Sacdiyo gargaarkana la dejiyo waxaana amarks uu siiyey Guddoomiyaha Gobolka Bari Shaahdoon.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Imaaraadka ka soo amrey, amarka Sacdiya la dul dhigay ee lagu celiyey, diyaaradda ayaa shidaal qaadatey waxaana ay dib ugu laabatey Muqdisho, Xil. SACDIYA ayaa diidey in ay soodegto maadaama nafteyda khatar la geliyey aniga iyo wefdugii diyaaradda saarnaa ayey tiri waxaana ay Saxaafadda kula hadli doontaa Muqdisho.

Ciidanka PMPF iyo Garoonka

Garoonka diyaaradaha ee Bosaso waxa uu ka diiwaan gashan yahay hay’adda ICAO ee duulimaadka rayidka ah laakiin Madaxweynaha Puntland ayaa ka wareejiyey Booliska Puntland waxaana uu ku wareejiyey ciidanka Badda ee Puntland, ee PMPF taas oo garoonka ka dhigtey xero ciidan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *