Home Wararka Maanta Dr Abdul Qadeer Khan: Aabbihii nukliyeerka Pakistan oo geeriyooday
Wararka Maanta - October 10, 2021

Dr Abdul Qadeer Khan: Aabbihii nukliyeerka Pakistan oo geeriyooday

October 11, 2021 Saynisyahankii nukliyeerka ee Pakistan, Dr Abdul Qadeer Khan, ayaa saaka arroortii geeriyooday, wuxuuna ahaa 85 sano jir.

Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan Pervez Khattak ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray warka geerida saynisyahanka isla markaana geeridiisa ku tilmaamay inay murugo weyn u tahay Pakistan.

Khattak ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Pakistan mar walba way xushmeyn doontaa shaqada uu Dr. Khan u qabtay dalka. Waddanka mar walba abaal buu Khan uga hayaa xoojinta awooddeeda difaaca.

Sida laga soo xigtay Radio Pakistan, Dr Qadeer Khan ayaa la geeyay isbitaal, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad ka sii dartay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *