Home Wararka Maanta Dowladda Eritrea oo lagu eedeeyay inay dib ugu soo laabatay dagaalka Tigray
Wararka Maanta - September 2, 2022

Dowladda Eritrea oo lagu eedeeyay inay dib ugu soo laabatay dagaalka Tigray

Dowladda Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay dib ugu soo laabatay dagaalka ka socdo Gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, iyadoo markaasi gacan siineysa Ciidamada Militariga Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda TPLF ee Tigrayga, Getachew Reda ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay Khamiistii weerar culus oo dhowr jiho leh ku soo qaadeen Xoogaga TPLF ee ku sugan deegaanka Adyabo ee waqooyi galbeed Tigray.

Bayaan ka soo baxay Taliska Militariga Tigrayga ayaa lagu sheegay in Asmara ay horey ciidamadeeda ugala baxday gobolka, balse ay haatan dib ugu soo celisay gobolkaasi, iyaga oo la hawlgelaya kuwa Addis Ababa.

“Cadowga oo hore ula baxay ciidan aad u badan oo militari ah ayaa hadda bilaabay guluf ay iska kaashanayaan, iyagoona u soo duulay ciribtirka shacabka Tigray.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea midna kama jawaabin eedeynta ay Tigraygu u jeediyeen Xukuumadda Asmara.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigrayga ayuu dagaal dib uga dhex qarxay 24-kii bishii August, ka dib xabad joojintii ay gaareen bishii March.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *