Home Wararka Maanta Dhalinyaro loo afduubtay dilkii Ikraan Tahliil oo xuriyadooda dib u helay
Wararka Maanta - September 6, 2021

Dhalinyaro loo afduubtay dilkii Ikraan Tahliil oo xuriyadooda dib u helay

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in la sii daayay saddex dhalinyaro ah oo dhawaan ay koox dabley ah ku afduubteen magaalada Beledweyne.

Dadaalo ay sameeyeen odayaasha Dhaqanka, waxgaradka aya ugu dambeyn ku guuleystey in ay sii daayaan dhalinayradan.

Odayaasha dhaqanka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa u kala wareejiyey labada Beelood dhalinyaradii Lagu haayey xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale dhalinyaradan la sii daayay ayaa ku soo beegantay xilli Ra’iisul Wasaare Rooble uu shaqo joojin ku sameeyay agaasimihii Nabad Sugida Fahad Yaasiin,balse uu ka soo horjeestey Madaxweynaha muddo xilledkiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Siyaasiga caanka ah ee Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo dhoweeyey dadaallada guuleystay ee lagu soo daayey dhalinyaradaasi, wuxuuna u mahad-celiyey odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo sidoo kale mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen odayaasha dhaqanka, mas’uuliinta iyo aqoonyahannada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guulaystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay degamada Baladweyne, iyaga oo bad qaba” ayuu yiri.

Waxaa dhanka kale ka taagan dalka xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil waxaana qoorta isku galay Farmaajo iyo Rooble.

Somalifox Muqdisho-Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *