Home Wararka Maanta Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada Oo Caawa Lagu Dhaawacay Muqdisho.
Wararka Maanta - September 2, 2022

Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada Oo Caawa Lagu Dhaawacay Muqdisho.

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa fiidkii agagaarka isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi, oo ah wiil caan ka ah baraha bulshada gaar ahaan barta Tiktok.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa rasaas la dhacay Bilaal Bulshaawi iyo wiil kale oo la socday, waxaana wararku sheegayaan in labada wiil goobta laga qaaday iyaga oo dhaawacyo qaba.

Kooxdii weerartay wiilashan dhallinyarada ah ayaa goobta si degdeg ah uga baxsaday, waxaana halka lagu dhaawacay Bilaal Bulshaawi iyo wiilka la socday waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo katirsan Booliiska oo baaritaano goobtaasi ka sameeyay.

Bilaal Bulshaawi ayaa ah wiil kusoo caan baxay barta Tiktok ay si weyn u isticmaalaan dhallinayarada caalamka, waxaana wiilkan dhallinyarada h loo aqoonsan yahay Madaxweynaha Tiktoka ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *