Home Wararka Maanta DFS, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed oo gaaray Heshiis dhib ku ah Puntland.
Wararka Maanta - May 5, 2020

DFS, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed oo gaaray Heshiis dhib ku ah Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in uu 30-ka bisha May go`aan kama dambeys ah kasoo saari doonto xiliga iyo habka loo qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalada Dugsiga Sare iyo kan 8aad ee Dugsiga Dhexe, sida lagu sheegay warsaxaafadeed soo baxay.

Heshiis wadajir ah ayay maanta gaareen wasiiradda wasaaraddaha Waxbarashada Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Gobalka Banaadir, Hirshabeelle Iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kaas oo ogolaanaya in Imtixaanka Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe ay qaado wasaaradda Waxbarashada ee dawlad gobaleed kasta.

Sidaas oo kale Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 12 aad ee Dugsiga sare ayaa la ogolaaday in ay qaado dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo dalka oo dhan isku mar ka dhaco, taas oo ka dhigan in ay tahay heshiis ay horey u diiday Puntland.

Wasaaraddaha dawlad gobaleedyada oo ay ka maqan tahay oo kaliya Puntland ayaa isku raacay qorshahan cusub, waxaana aan la aqoonin jawaabta Puntland oo isku diyaarinaysa markale qaadida Imtixaankeeda Shahaadiga ah, waxaana dhawaan meel adag gaaray khilaafka dhanka waxbarashada ee Xukuumadda Faderaalka iyo Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *