Home Wararka Maanta DEG-DEG+DAAWO: Golaha Wasiirada cusub ee XFS oo lagu dhawaaqay
Wararka Maanta - August 2, 2022

DEG-DEG+DAAWO: Golaha Wasiirada cusub ee XFS oo lagu dhawaaqay

August 2, 2022 Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa lagu dhawaaqay goor-dhaweyd, kadib munaasabad ka socota barxada xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Wasiirada cusub oo kala hoggaamin doona 25 Wasaaradood, ayaa waxaa kamid ah Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur oo horey u soo noqday kuxigeenkii Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane.

Ra’iisul Wasaare Xamze Aar ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed la shaqeeynta Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay.

“Xukuumad Xil-kas ah ayaan idiin magacaabay, ka dib latashi aan layeeshay madaxweynaha JFS, waxaan kufaraxsanahay in aan soo bandhigo gabdho iyo wiilal aan kusoo xushay karti, hufnaan iyo aqoontooda, iyagoo kajawaabaya baahida marxaladda dalka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre.

Liiska Wasiirada

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *