Home Wararka Maanta DEG-DEG+AKHRISO: M/weyne Deni oo magacaabay Guddi lama filaan ah
Wararka Maanta - October 14, 2022

DEG-DEG+AKHRISO: M/weyne Deni oo magacaabay Guddi lama filaan ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Wareegto Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta Hannaanka doorshooyinka Dimuqraadiga ah ee Puntland

Markuu tixgeliyey: Go’aankii ka soo baxaya Shirkii 17-aad ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Waxaa Guddiga Dardargelinta Doorashooyinka Dimuqaariga ah ee Puntland loo magacaabay Xunaha hoos ku xusan: –

1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda Guddoomiyeye.

2. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Xubin.

3. Wasiirka Maaliyadda Xubin.

4. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Xubin.

5. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xubin.

6. Wasiirka Warfaafinta Xubin

7. Wasiirka Haweenka Xubin

8. Wasiirka Waxbarashadda Xubin

9. Wasiirka Caafimaadka Xubin

10. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xubin

11. Madaxtooyada Xoghayn

Guddigaan waxay u xilsaaran yihiin dardargelinta Doorashooyinka Punltland iyo fududaynta tasiilaadka looga baahan yahay Dowladda.

Fulin Wacan,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *