Home Wararka Maanta DEG-DEG+AKHRISO: Axmed Karaash oo u magacaabay Guddoomiye G. Mudug
Wararka Maanta - April 25, 2022

DEG-DEG+AKHRISO: Axmed Karaash oo u magacaabay Guddoomiye G. Mudug

April 25, 2022madaxwayne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay gobalka Mudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa loogu magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Waa wareegtadii ugu horeysay oo uu masuul ku magacaabo Axmed Karaash, tan iyo markii uu dhowaan ku dhawaaqay inuu si KMG ah ula wareegay xilka Madaxweynaha Puntland, maadama uu sheegay in Siciid Deni uusan gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Halkaan hoose ka Akhriso wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda  Puntland  oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr. 93, April 24, 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dowladda Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Shiikh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *